Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.



Waxaan ku noolaay  baadiyah gobalka galgaduud . Waxaan subax kasta soo aadaa dugsiga qr'aan kariinka.
Waa maalin aad u kulul, jiilaal aad udara ayaa jiray. Waxaa deeganka aan ku nooleeyn ka jiray abaar aad udarn, oo saameeysay xoolaha iyo dadkaba.

Maalin maalmaha ka midda; Waxa dugsiga qu'aanka nuugu  imaaday dhoor oday oo aan garaneeynay. Wax aay nagu salaameen dugsiga, weeyna nasii dhaafeen. Waxa aay u socdee sida aan gadaan ka ogaan doono qabuuro aan sidaas noogasii fogeey. Qabuuraha waxaa ku duuganaa duqoowdii laga yiqiin degaanka. Waxa aay udireen qabuurihii  mid kamidda odayaashii.

Wax uu tegay qabrigii wax uuna carab ku shuftay mid kamidda meeydadki qubuuraha ku duugnaa. Waxa uu u sheegay in wax loo soo bixin doono haduu roob imaado maanta. Wax uu odagaas sameey naayay waxaa looga yaqiin shardi, wax aayna aheeyd caada dhaqameed markaas meesha laga yaqiin. Xiliga uu qabriga tegaayay waxa aay ku beegneed 2:00. Xiligaa cirkau waa cadaa mana laheeyn xitaa hal xeeyryaan (Daruur).  Oraxdu waxa aay umuuqatay mid lasoo dhaweeyay kuleeykeeda dartii. Mudo aan ku qiyaasay 30 _50 daqiiqo kadib  ayaa cirkii isla godladay oo roob meel kasta ka imaaday.

Ardadeeynii dugsiga dhiganeeysay aadbaan ugu faraxnay imaasha roobka. Waxaana goob joog u aheeyn wixii uu odagu sameeynaayay markii uu qabriga joogay. Dhamaadkii isbuuca maalin arbaca ah , waxaa dugsiga lagu dhigay  sab ama kulan oo ahaa marka si kale loo dhaho (Shardi fur), kaas oo laga balan qaaday meeytadii isbucii hore. Kulankii kadib waa lakala tehay. Maal mahaas wax roob ah ma imaan. Maalma kadib ayaan odayaashii ku dhahnay, maad qabriga noo tagtaan roob hanoo imaadee. Anagu aqoon iyo fahan toona uma laheeyn wax la sameeeynaayay. Waxaase ogeeyn in oday qabriga tegay maalinkaas roob noo imaaday. Mar dambe ayaan ogaaday dibna uxasuustay  in aay ahaayeen caada dhaqameed aad u liidatay.

Allow wixii danbi ah naga cafi.

W.Q Abdirizak Hassan Tohob



Comments