Agnabiga kiisa liita ayeey qiimeeyaa, kooda wax gallaka ahna waa yasaan.
Sawirkaan idiin muuqdo waxaa ku jiro Shaqsi caan ka ah baraha bulshada. Waxa uu u dhashay wadanka Tanzaaniyah.
Waa jilaa iyo ka qosliye. Waxa uu maanta yimaaday magaaladda Mogadishu.
Waxaa la yaab leh! In soo dhaweeyntiisu aay qeeyb ka ahaayeen madax iyo saraakiil ayadoo lagusoo qaaday gawaaridda aan xabaddu karin "Bulat bruuf".
Marka aad u fiirsatid hab dhaqanka Somalidda, waad layaabeeysaa.
Waxa aay aad sara ugu qaadaan dadyoowga agnabiga ah.
waxa aay yasaan oo aay hoos u dhigaan dadkooda wax gallka ah. Halka maanta basadiir saf loogu jiray hadaad tiraahdo maanta waxaa lasoo dhaweeynaa Abwaan Maka xaaji Banadir, ama abwaanada lamidka ah , waxaa laga yaabaa in aay su'aal iska weeydiiyaan oo aaysan u ogoleeyn in gaari xabadu aaysan karin lagu soo qaado Abwaankaas,Base aay ajnabiga u ogolyihiin.
Waxaa maqleeysaa sanad kaata in abwanadii iyo suugaan yahanadii aay silic u dhimanayaan ayagool aan wax wara laga heeyn, waxna aan lagala harin. Dadkoodiina aay ku mashquulsanyihiin buun buuninta cadaanka iyo madoowga ajnabiga ah, ee aanan dhaqan iyo dhalyo toona wadaagin.
Bulsho waxaa aay ku hormartaa in aay dheerigeliso, garab is taagtana dhaqan sidda yaasheeda. Sidda: Abwaanadda, Jilaayaasha WLM.
Waxaan nahay bulshu ka carareeysa hal doorkooda ,una carareeysa ajnabi waxaana usocotaa gablan.
Marka lagu leeyahay aduunyadda madaxa ayaa la iska gumeeystaa waa sidaan oo kale .
W.Q: Abdirizak Hassan Tohob
Comments
Post a Comment