Aqoonsigii Somaliland waa ka halkaa yaalla!”.


Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd. Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd. Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda lagu nasto. Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaaray oo meel isaga ku filan bannaystay ayuu is dhigay . Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku arkayay. Waa nin haybad u dhashay se waqtigu hayo. Balwad baa ka tan badisay oo waan og ahay. Bahal ka khamriga la yidhaahdo ayaa la tegey.  waa Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda iyo tuug xadhkagoys ah. 

Ha iska silicsanaadee waa nin han u dhashay wax uu na isku dayaa in uu xarragoodo oo madaxa kor u qaado. Imika waxa uu ku nool yahay qol yar oo ii dhow halkaas oo dhowaan isaga oo xabsi ka soo baxay maamulka daryeelka bulshadu dejiyay. Labadayadu waxa aannu isbarannay maalin uu waddada xaafadda igaga hor yimid isaga oo quraarad gacanta ku sita ina weydiiyay in aan ahay xabashi. ”Maya ee wax aan ahay soomaali”, ayaan u sheegay. ”Waad isu eg tihiin derisna waad tihiin”, ayuu malihiisa beenoobay ugu garaabay. ”Dhulkiinna weligay ma aan tegin oo waaban ka baqaa, Itoobbiya oo aan beri tagay ayaan se jecel ahay”, ayuu ii sheegay. ” Xaaladdayda caafimaad nafsad ahaan aad ayay u liidatay, wax aanan taagnaa meel nolol iyo dhimasho u shaxaysa, dhawr jeer ayaanan isku dayay in aan isdilo. Se taladii aan Afrika ku tegay waa ay i caawisay.

Aniga iyo Sebastian Georg sidaas ayaannu isku naqaannay wixii ka horreeyay galabtaas qabow ee aan soo dhaafay isaga oo halkaa fadhiya. waxaa igu dhalatay fikrad cajiib ah. Qisooyin ku saabsan waxa loo yaqaanno ”mashruuc – project” oo aan aad ugu qoslay aadcna u la yaabay ayaa la iiga sheekeeyay. Waaban miyirla’a ahay oo fikradda igu dhalatay baa i daandaamisay. Habeenkaas oo dhan qalin iyo warqad baan isku xoqayay ilaa waagu igu dillaacay. Go’aan aan ka noqosho lahayn baan qaatay. Dabadeed aniga oo leh “Ilaahow aan waaga waraabe cunin” ayaan sariirta ku dhacay. Galabtigii waxaan hal haleen ugu tegay sxbkey. Waxyar isug ayuu i dhahay. Markii uu ii yimid weli wuu yaabbanaa. Wax aan ku idhi: ”Wax aan kuu hayaa shaqo aad quraaraddan aad u gumowday kaga gobowdo barafka aad yuururtana kaga kacdo.” 

 Sebastian Georg sida uu ii sheegay saddex riyo ayuu weligii lahaa. Ta hore waa in uu dalxiiso oo dunida maro. Ta labaad waa in uu yeesho guri uu isagu lee yahay oo aan dusha, hoosta iyo hareeraha cidi ka saarrayn, oo uu inta uu doono muusigga kor u qaadi karo inta uu doonana ka dhex qaylin karo. Riyadiisa saddexaadna waa in uu qaaradda Aasiya ka soo guursado naag xilojanno ah oo ka debecsan kuwan Yurub ee, sida uu yidhi, ninoobay. Wuu se og yahay in ay yihiin riyooyin aanu sidan uu yahay ku xaqiijin karin. Fikraddaydu wax ay godoshay saddexdaas riyo.
Waxa aan uga warramay dal lagu magacaabo Somaliland oo labaatan sano cidla ku silcayay oo aqoonsi dawladnimo dunida ka waayay. Yurub iyo ninka cadi qiimaha ay halkaa ku lee yihiin iyo wanaagga laga fisho ee aqoonsigu ka midka yahay sida ay u weyn yihiin baan u dhigdhigay. Mushaharkaygii bishaas iyo waxoogaa ii yaallay iyo weliba amaah aan qaatay qorshahaas ayaan u huray. Dabadeed sagaal iyo toban cisho ka dib aniga iyo saaxiibkay wax aannu bun ku wada cabbaynay huteelka Hargeysa ugu wanaagsan.  Dadka waxa uu u yahay lacag, aqoon iyo aqoonsi, iyo ilbaxnimo. Faanta iyo kooko iyo biibsi iyo shaah
ka aannu cabbaynno ayaa na la ka la doorransiiyay. Waxaa  naqaabilay Madaxweeynihii. Qorshaha aannu la tagnay waa isla kii aannu dorraad wasiirka u faahfaahinnay isagu na u guuxay oo aannu maanta aad u soo koobnay.

 In aannu doonaynno qadiyadda Somaliland in aannu magaalada Burukselis xafiis la yaqaan uga furro oo Yurub wadnaha u fadhiisanno ayaannu nimanka ka waraabinnay. ”Halkaas ayuu aqoonsiga Somaliland ku jiraa una baahan in laga soo saaro”, ayaannu carrabka ku xejinnay. Golaha Wasiirrada Midowga Yurub iyo Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Koomishanka Yurub saddexdaba in aannu ku lee nahay saaxiibo kalsooni leh ayaannu ku bishaaraynnay. Weli ba dadkaas qaar baannu magacdhawnay. Waxa qudha ee maanta na xayirayaa in uu yahay kharashka xafiiskaa lagu furi lahaa iyo qalabayntiisa ayaannu hadalka gundhig uga dhignay. Kolkii aannu baxnay wasiirkii na la shaqaynayay ayaa na sii raacay oo baabuurkiisa nagu qaaday. Xafiiskiisa ayuu na geeyay, shaah kale ayaannu wada cabnay, dabadeed waxaa la gaadhay bishaaradii natiijada hawshayada. Laba boqol oo kun oo doollar lacag uu tiradeeda ku sheegay oo warqad adag ku duuban ayuu wasiirku khaanad ka soo saaray oo Sebastian u taagay isaga oo leh: ”Sidii uu madaxweynuhu idiin sheegay waxba naga waayi maysaane intaa hawlaha xafiiska gashada. Waannu idinka warhaynaynaa oo idin la shaqaynaynnaa. Guul baan inoo wada rajaynayaa.” Kolkii aannu lacagta guddoonnay ee ka mahadnaqnay durba degdeg baa na galay.  

Gudaha ayaannu gallay oo qol hoosta ka soo xidhannay. Dabadeed deg deg tikid ku dalbanay. Saaxiibkay waxa aan u sheegay caawa in aan qaraabo salaan ku maqnaanayo isagu na huteelka iska sii joogo oo aad isu dhawro isuna ilaaliyo. Sidii baan kaga ambabaxay. Barqadii dambe ayaa huteelkii la iga soo wacay. ”War ceeb baa dhacdaye na soo gaadh!” ayaa la iga codsaday. Tii aad wadnaha farta kaga haysay miyaa dhacday? ayaan si naxdin leh isu weydiiyay. Tagsi baan ku dhacay, mise waa saaxiibkay oo beerta huteelka galgalanaya oo laga maadsanayo! War illayn naxdin u ma dhimatid! Xalay bay kuwo baas inta ay kaxeeyeen suntii iyo khamrigii  uu jeclaa ka soo durduureen, dabadeed isaga oo dad iyo bahalba ka tegay ayaa goor dhowayd halkan tagsi lagu keenay. Cabaadka ka baxaya iyo waxa uu qudhun walaaqanayo waad yaabaysaa.  Dadku waa in ka maadsanaysa iyo in ka murugaysan. Qaar dhagax bay la soo tuban yihiin oo waxa ay lee yihiin ”gaalka
ha la dilo”. Qaar kale oo arrinta aannu dalka u nimid ogaa wax ay lee yihiin: ”aqoonsigii Somaliland waa ka halkaa yaalla!”.


dabadeed Sebastian oo weli mayd ah ayaan sariirta ka jiiday oo tagsi ku riday oo garoonka dayuuradaha u la cararay. Run ahaantii waxa uu u baahnaa ambalaas ee u ma baahnayn dhoof. Daqiiqaddii ay dayuuraddu cir ka na la gashay ayay neef cadaab ahi iga soo kudday. Qudhiisu wuu nasiib badnaa oo lacagtii oo shandad qolka u taal ugu xidhnayd laga ma taaban. Run ahaantii aad baannu u nasiib badnayn ee waannu sigannay.Muddo madib ayuu icasuumay waxaana isoo dhaweeyay Sebastian Georg oo ladnaaday. Guri qurux badan kagatay Magaladda, haweey talyaani ahna guursaday. Sidii uu Garoowe iyo Xamar ku tegay iyo waxa uu ka la soo kulmay ayaan ka waraystay. Shaqadii diblomaasiyadeed ee aan geliyay in uu ka yara maqnaa oo noqday dillaal
caalami ah ayuu iiga warramay. Shirkad saliidda qodda (taas oo dabcan dhalanteed ah) iyo maamulka Butland in uu isku xiray ayuu ii sheegay oo xogaagiisa kaaoo qaatay.
Ninyahow Afrika waa qaarad dihin, oo siiba Bariga Afrika ee aad ka timid iyo Badhtamaha Afrika labadaba fursado waaweyn baa ka jira ee fadhiga ka kac”, ayuu igu canaantay. Markii aan Sebastian ka tegay waan u xanaaqsanaa, naftaydana waan u xanaaqsanaa, soomaalidana waan u xanaaqsanaa. Sida doqonka ayaan iska xanaaqsanaa.


Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.