Dadnta iyo duruufta ayaa ka reebtay waxbarashada oo uu jeclaaa.


Maxamad waxa aan soo wada qaadanay nolo xasuus iyo dib umilicsicsi leh. Waxaana ku xasuustaa sheekooyin cajiib ah, oo aan yaraanteeynii soo wad marnay.
Waxaan soo wada dhiganay dugsiga qur,'aanka. waxaan is naqaanaa muda ka badan 25 sano.

Waxa uu ahaa nin dhalinyara ah oo maskax furan. Wax uu lahaa han sare. wax uu ka sheekeeyn jiray yaraantiisii sida uu mustaq balka doonaayo. xiligaas qofna kama fikireey wax uu ka fikiraayay.

Aabihii wax uu geeriyooday asiga oo aad u yar. Wax uu isaga haray iskuulka markii uu waayay qof waxbarashadiisa kafaalad qaada.
Nasiib uma yeelan in uu helo aabe subixii hortiis kaco oo ka fikiro wax barashadiisa si uusan faciis uga harin.
Hooyadiis oo  uu la noolaa waxa aay ka roonaa weeyday korintiisa, kumana darsan karin wax barashadiisa.

Sidaas darteed maxamad Fursad uma helin in uu waxbarashadiisa sii wato. Waxa uu jiclaa in uu galo iskuul, ilaa jaamacad oo aay saaxiibadiis fursad u heleen
Muda kadib waxa uu bilaabay in uu xoogsado asigoo aad ud'yar.

Waxa uu soo qabtay  shaqooyin dantu ku qasabtay laakiin uusan ka bixi karin. Waxa uu ka shaqeeyaa hadda shaqa aad udhib  badan. waxa uuna ka biilaaa in kabadan 9 qofaad oo isugu jirto: hooyadiis, walaalihiis, qooyskiisa.

Hada dhamaan saaxibadis wax aay nolol ahaan ka Sareeyaan asiga. Qadarta Alle ka sokoow Waxa uu rumeeysanyahay in aay tahay waxbarashdda waxa saaxiibadiis ka reebay nolo ahaan, asigoo han ahaan laga yaabay in uu ka wanaagsanaa ayaga. Hada waa aabe leh 3 caruur ah. "Weli hamigii aan yaraanteeydda ka lahaa waxbarashdda waa sidiisii " Ayuu igu yiri

Weli sidii ayuu ujecelyahay wax barashadda. Hada oo uu da'diisu weeyntahay, kama quusan wax barashdii uu yaraantiisa ka haray. Hadda Waxa uu dhigtaa habiinki iskuul gaar loo leeyahay(Private). Halka uu jimcaha iyo khamiistana dhigto iskuul machad ah.

"waxaa iga go'an in aay ubadeeygu helaan nolol ka wanaagsa  taan anigu kujiro" ayuu igu yiri.

Wax barashadu weeynan malahan.

W.Q.:Abdirizak Hassan Tohob.

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.