Guur danbe in aan galo, garoobnimaa ii dhaanto, kii horaan ku gacan galaye.!
Waxaan ahaa gabar da'yar oo dhigato iskuulka, kuna Jirta sanadkeedii ugu danbeeyay ee fasalka 3aad.
Waxaan jimcaha iyo khamiista macalin ka ahaa iskuulka aan subixii dhigto.
Waxaan shaqa iyo cashir wadaag aheeyn wiil aan wada sheekeeysan jirnay.Waxuu ii muujin jiray dareen, anina waan la kaftami jiray, waana uqosli jiray si walaaltinimo leh.
Waxa uu maalin ii sheegay in uu i jecelyahay, laakiin anigu waxaan usheegay In aaysan suurtagal aheeyn aana wax barto, haddana aanan jaceeyl usoo jeedin.
Waxuu ii sheegay in hadii aan diido uu sun cabi doono.!!Laakiin ani ciyaar iyo kaftan ayaan uqaatay .
Waxaan maqlay subixii danbe in uu sun darteey ucabay, isbitaalna loo qaaday.
Habiin iyo maalin kadib markii uu soo roonaaday, waxa uu sheegay in uusan sii noolaan doonin hadii uusan aniga ihelin.!
Waxaan dareemay culeeys, waxaana la iisheegay in aay waajib tahay in aan guurkiisa aqbalo oo naftisa aan badbaadiyo labad qooysna aay xal u arkeen.
Waxaan galay guur anoon diyaar u aheeyn, fahan ficana kaheeysan nolosha qooyska ee aan gelaayo.
Guurkii kadib ,waxaan wada dhigan jirnay fasalka ugu danbeeya ee iskuulka .
Intaa kadib waxa uu igu wargeliyay in aan iskuulka isaga haro, ana waan kadiiday.
Waxa aan habiin kaasta ku murmi jirnay guriga.Waxaa habiinadda qaar isoo mari jirtay, in aanan jiifan, maalinkii aan iskuul lahaa.
Waxaa yeeshay uur, waxaana ku xanuunsadday walacii,waxaan ka codsaday in uu xafada hooyadeey iidiro, laakiin waa ii diiday.
Asiga waxa uu ka soo cunteeyn jiray, kuna dhixi jiray, xaafadda hooyadii, laakiin ani iima ogolleeyn in aan aado xaafadda hooyadeey.
Waxaan ALLAH kabaryi jiray In uusan ubadkiisa igu dhex beerin,si noloshaan adag aan uga baxao.
Waxaan kaquustay nolol farxad leh ,waana wada noolaan weeynay ;waana kala tagnay. Hadda 5 sano ayaan Joogaa kala tageeynii kadib, waxaana ku raaxeeystaa kalinimadda.
Sheekadaan waxaa iiga sheekeeysay gabar somaliyed oi lagu magacabo Fardoowdo .
Comments
Post a Comment