Hal Abuurihii Shaqa La,aanta Ahaa
Shaqo nadaafad ah ayuu Microsoft ka codsaday, wuuna helay. Waxaa la waydiiyay Email-kiisa si loogu diro heshiiska shaqaalennimo. Wuxuuse sheegay in uusan laheyn Email, uusanna aqoonnin sida Kumbiyuutar loo adeegsado. Sidaas ayuuna shaqadii ku waayay.
Markii uu ka soo baxay iridka Microsoft ayuu arkay dukaan Strawbery-ga lagu iibiyo. $10 oo uu hanti ka haystay ayuu kartoon Strawberry ah ku iibsaday, wuxuuna ku wareejiyay xaafadaha si looga iibsado. Wuxuuna habeenkii hoyaaday isaga oo haysta $60. Taas oo ku sii dhiirrigelisay in uu shaqadaan joogteeyo.
Markii ay shaqadu u kobacday ayuu soo amaahday gaarigacan uu khudaarta ku wareejiyo. Muddo kaddibna gaari ayuu soo iibsaday.
5 sano kaddib shirkaddiisu waxay ka mid noqotay shirkadaha ugu waaweyn ee cunnooyinka ku iibiya Mareykanka. Wuxuu u baahday in uu ganacsigiisa ceymis geliyo si ay ugu sahlanaato in uu soo kabto haddii uu khasaaro.
Wuxuu u tegay shirkad ceymis. Wakiilkii shirkadda ayaa waydiiyay Email-kiisa si uu heshiiska ceymiska ugu diro, wuxuuse u sheegay in uusan Email laheyn. Wakiilkii ayaa waydiiyay sida uu shirkaddaan u maareeyo isaga oo aan Email laheyn. Wuxuuna ugu jawaabay "Haddii aan Email sameysan lahaa waxaan ahaan lahaa shaqaale nadiifiya musqulaha Microsoft."
Comments
Post a Comment