Horta dadka kala baro
Nin iyo gabar uu dhalay ayaa hada ka hor lacag la'aan qabatay. waxa aay ka fekireen sideey lacag ku heli Lahaayeen. Waxa aay isla garteen si fudud oo lacag lagu heli karo.
Maalinkii ugu horeeysay ayeeyna dameer soo wateen. Waxaayna afka kasoo geliyeen lacag; oo aay mara kulasoo xireen. Wax aay dadkii u sheegeen in dameerkaani uusan dameeradda lamid aheeyn oo markii uu ciyaba lacag aay kasoo dadaneeyso. Waxaana isku qabsaday dameerkii dadkii oo midba lacag ayuu gaaray, waxaana laga iibiyay ninkii ugu lacagta badnaa.
Ninkii iibsaday dameerka ayaa geeystay gurigiisa dameerkii balse waxa uu kawaayay lacagtii uu ka filaayay in uu afka dameerka kaheli doono mar kasto oo uu ciyaa. Waxa uuna ogaaday in lacagu aheeyd xooga afka lagasoo geliay(Fadlan lacag ku shubo). Subixii danbe ayuu soo aaday ninkii dameerka shaly kasoo geday. Waxa uu imaaday gurigii ninka dacwad uu uqabay. waxaa guriga joogay gabdhii uu dhalay ninku, waxa uu weeydiiyay halka uu jiro ninkii dameerka ka geday shalay. Waxa aay u sheegtay in uu jiro shirkii shinbiraha. Wax aay usii raacisay in aaysan ogeeyn halka uu hadda ku suganyahay. Balse waxa aay u raacisay in uu jiro eey dadka la waayay loo diro, soona heli karo halka uu joog. Waxa aay soo furtay eey meel ku xirnaa wiligeena aan xariga laga deeyn, wax uuna jabsaday orod. Xoogaa kadib waxaa imaaday ninkii oo aay wata. Eeyga uu watase ma ahan midkii hada la daayay, ee waa mid uu asigu horay u watay, dadkusa waxa aay moodeen kii hada lasii deeynaayay. Dadkii ayaana layaabay eey dadka maqan soo helaaa!!!
Waxaa meeshii ka biloowday rabitaan aaygaan dadka soo helaa. Waxaana meeshii ka baxday doodii hore ee dameeeka. Gor gortan dher kadib, aniga iga gad iyo anaa ka lacag badan kadib, eeygii waxaa laga geday ninkii ugu lacagta badan gaaray. Ninkii aayga gatay ayaa watay oo xaafadiisa geeystay. Waxa habiinkii u diray eeygii qof kamaqnaa, waxbasa kuma dheefin oo waxa uu noqday eeygii xariga laga deeyay. Ninkii waxa uu ogaaday in been loo soo sheegay wax uuna soo adaay ninkii eeyga ka geday. Waxa uu gurigii ugu imaaday isla gabartii, waxa aay u sheegtay in uusan joogin hebal, oo uu mag aay kaqabto ka doontay habar dugaag. Wax aayna tire wax yar banaka sii fariiso aaigaa imaanayee.
Wax yar kadib waxaa imaday ninkii wax uuna canan lagalay gabadhii, asigoo leh maxaad raga isu gaayay bananka u fadhiisisay. Markaas ayuu tooreery lasoo baxay oo ku dhuftay gabadhii. Laakiinsa ninka iyo gabadhiisu horay ayeen ugu heshiiyeen waxa dhacaa. Halka gabadha looga muday midida horay eey bax dhiig ku jiro usii gashatay, asina waa la ogaa.
Intaa kadib ninmankii dadcwada qabay ayaa yaabay oo aay fajaceen sida fudud ee uu udilay gabadhiisa.
Wax yar kadib ayuu ul afka ka duleesha lasoo baxay gabadhiina ku afuufay, weyna soo toostay. Weey la yaabeen dhacdadii waxeeyna aamini waayeeen u shaan dadka nooleeysiineeyso. Sidii caadada aheeydba waxaa lagu mashquulay ushii waxaana la isku qabsaday ushee, anaa gadanaa iyo anaa gadanaa waxaana gatay ninkii ugu lacagta badnaa. Waxaana meeshii ka baxay doodii ka horeeysay ee eeyga.
Dulucdda sheekadaani waxa aay tahay in qof mar aad baratay aadan ku kadsoomin. Qofku waa qofkii mana noqon mid cusub. Si gaar ah wax aay u quseeysaa bulshada somalidda oo siyaasiintu aay wareeriyeen, siyaasigaa shalay ayaana iska soo dhigaa mid cusub muda kooban.
W.Q: Abdirizak Hassan Tohob
Comments
Post a Comment