Kala Geeyaha Dadka

 Xiriirkii dadka ayuu kala dhantaalay oo dad wada fadhiya ayuu kala fogeeyay. Guryo badan ayuuna dumiyay oo in ay qoysas kala tegaan ayuu sabab u noqday. Wuxuu dad badan u noqday balwad ay qabatimeen oo ku sababtay dhafar ay xanuunno jireed iyo mid nafsi ah ka qaadeen. Waqtigi uu qofku wax kale ku qabsan lahaa ayuu isaga geliyay. 

Carruurta iyo Dhalinyarada ayuu waxbarashada ka mashquuliyay, waxa uuna ku reebay saameyn aan la mahdin. Maskaxdii dadka uu cuuryaamiyay oo isaga ayaa loo ictimaadaa shaqo badan oo ay aheyd in maskaxda looga shaqeysiiyo. Korriinshiyihii carruurta ayuu caqabad ku noqday oo waqtigii dahabiga ahaa ee carruurnimo ayuu dhaafiyay. Dhaqanxumo ay beenta iyo ballanxumadu ugu horreeyaan ayuuna fududeeyay.


Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.