Maqaalka Hooyadda.

 Sagaal bilood ayay caloosha nagu sidday. Waxay nala soo martay xanuun foosha ee geerida lala masliyay. Waa macallinkeennii koobaad ee na bartay sida loo hadlo. 

Iyada ayaana samaha iyo xumaanta na kala bartay. Habeenno badan ayay u dhafartay si aan annagu u hurudno. 

Maalmo badanna waxay u gaajootay si aan u dheregno. Waxay noo haysaa naxariis iyo jaceyl aan xad iyo shuruud laheyn.

 Marka ay inta kale na niyadjebiyaan, iyada ayaan ka helnaa dhiirrigelin noo noqoto shidaal aan ku sii xawaareyno. 

Kama daasho in ay noo duceyso oo ay mar kasta Alle noo waydiiso in aan ku guuleysanno nolosha adduun iyo aakhiro. 

Allow ugu naxariiso sidii ay noogu naxariisatay markii aan yareyn. Allow way na jaceshahay ee jecloow, waana noo naxariis badan tahay ee u naxariis badnoow.

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.