Shaleemooyinkii shalay iyo kuwa Maanta
Dadka soomalida marka aay la kulamaan arin kaduwan waxa aay arki jireen waxa aay dhihi jireen “Waa aakhiru zamaan ama aduunyo gadoon”.
Hada shaneemooyinkii shalay waalidiintu caruurtooda u diidi jireen, loona arki jiray meel qurun iyo fasahaad lagu daawado, dadka ka shaqeystana xoolohooda xaaraan loo arki jiray, manta waxay noqodeen ganacsi caadi ah qof ka shakinaaye malahan.
guri walbana weey ka shidantahay shaneemadaasi.Waxaa is weeydiin mudan: shaneemooyinkii shalay iyo kuwa magaca "cable" wata ee xafad walba taala, mu salsaladdana soo daayo ,maxay ku kala duwanyihiin?
Hadii shalay maalka shaneemadda laga helo xaaraan loo arkaayay kuwa manta waa sidee?
Hadiisa shalay Shaleemo il muhu aadaan loo diidi jiray waa sidee kuwa guri kasta ka dhex furan??
Waxaad arkeeysaa caruur 2,3 jir ah oo hadan xifdisan wax walba oo xumaan ah oo uu dhaladaas kasoo guuriyay.
Ubadka soo koraa Allah unaxariito.
Comments
Post a Comment