Sheekadii boqorka

 waxaa jiray nin boqor ah oo xukumi jiray meel buuraley ah. Boqorku wuxuu ahaa nin maamul gurracan oo dadkiisa dhibi jiray, mana jeclayn in runta la sheego. Qofkii maamulkiisa wax ka sheega wuxuu mudan jiray xabsi ama dil. Sidaa darteed, dadku way ka baqi jireen in ay runta u sheegaan boqorka.


Maalintii dambe ayaa nin u baxay magaalada duleedkeeda si uu u soo kormeero beer weyn oo uu halkaas ku lahaa. Wakhtigu wuxuu ahaa xilli gu’ ah oo barwaaqo ah. Ninkii siduu u soo socday ayuu soo dhexgalay keyn jiq ah, oo shimbiro kaliya ka dhex heesayaan. Markii uu xoogaa dhex socday keynta ayaa wax la hadleen. Inta uu yaabay ayuu eegay hareerihiisa, waxna ma uusan arag. Haddana mar kale ayaa lala hadlay sidii oo kale ayuu hareerihiisa eegay. Markii uu dhawr tallaabo qaaday ayuu arkay madax go’an oo keynta dhexyaalla oo la hadlaya. Ninkii baa carar maagay, balse  madixii ayaa la hadlay, kuna  yiri: “Ninyahaw i maqal. boqorka magaaalada xukuma runta ma jecla, qofkii runta sheegana wuu dilaa, anigana waxaa la igu dilay boqorka iyo maamul xumadiisa oo aan cambaareeyay”. Ka dibna madixii waa uu aamusay.

Ninkii oo maqli jiray maamul xumada iyo caddaalad darada Boqorka lagu xaman jiray ayaa xaqiiqsaday in wixii la sheegi jiray ay dhab yihiin. Markii uu magaalada ku soo laabtay ayuu uga warramay saaxiibbadii wixii uu maanta soo arkay. Warkii ayaa fiday oo qofba qof u sheegay. Ugu dambayntii warkii waxa uu gaaray boqorkii. Boqorkii oo aad u yaabban ayaa ku yidhi shaqaalihiisii: ” Bal iigu yeera ninka beenaalaha ah ee yiribwaxaan arkay madax hadlaya”.  Ninkii ayaa loogu yeeray boqorkii, waxaa uuna weydiiyay: ” madaxa kula hadlay ma wax jiraa? mise waa hadal aad adigu samaysatay? maxaadse bulshada jaahwareerka u galisay, oo weliba aniga aad beenta iiga sheegtay? Ninkii oo aad u naxsan ayaa boqorkii ku yiri: “Boqorow aniga oo keyn halkaas ah maraya ayaa uu madax go’an ila hadlay, oo igu yidhi, boqork idin xukuma runta ma oggala, qofka u sheegana wuu dilaa anigana run aan u sheegay ayaa la igu dilay”. Boqorkii oo cadho darteed, wejigiisu is baddalay ayaa ku yidhi ilaaladiisii: “Weligay ninkaan ka hor ma maqal qof dhaliilay maamulkayga Annagu awal waan ogayn in aanu madax la jaray hadlayn ee ninkani waa nin ku talagalay in uu na aflagaaddeeyo, been-abuurka uu naga sameeyayna, wuu ka shallaayi doonaa. Haddana ha la i dhaafiyo, oo ha la dilo, oo dib dambe yaanan u arkin”. Halkii ayaa ninkii isaguna lagu dilay oo seef madaxa lagaga gooyay.

Dadkii magaalada degnaa markay maqleen in ninkii la dilay ayaa waxay ogaadeen in boqorku uusan jeclayn in runta loo sheego, qofkii runta sheegana uu dilayo. Dadkii inta ay aad u cadhoodeen ayaa ay go’aan wadajir ah ku gaareen in ay habeen madaw boqorka magaaladda ka raraan. Ugu dambayn boqorkii oo boqortooyadii ka baaba’day ayaa ka qoomameeyay xadgudubyadii uu geysan jiray bulshadii uu xukumi jiray. Muddo ka dib boqorkii isaga oo gaboobay ayuu meel cidla’ ah darxumo ugu dhintay.

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.