Uma sharixi karo qofna waxa aan dhab ahaantii marayay labaatankii sano ee la soo dhaafay
Uma sharixi karo qofna waxa aan dhab ahaantii marayay labaatankii sano ee la soo dhaafay. Waalidiinteyda, walaalahay, deriska, qof walba mar walba wuxuu igu yiri ka tag xaaskayga. Ma jiro qof isku dayay inuu fahmo waxa qalbigaygu doonayo.
Markii hooyaday aay diyaarisay guurkeena ma aysan ogeyn in aay xaaskeeygu qabto dhibaatooyin xagga maskaxda ah. Xaaskayga magaceedu waa Xaashi. Ma joojin karto qosolka, waa sababta magacani ugu habboon yahay.
Waan ogaa inay tahay wax la yaab leh waana aqbalay tan iyo guurkeena. Waligeen ilmo ma dhalin, taasina xitaa ima siin dareen qotodheer(in aan katago). Inta badan, Xaashi(Xaaskeeygu) weey fiicantahay, maalmaheeda wanaagsan, waxay ka mid tahay dadka qalbiga jilicsan ee dunidan. Xitaa haddii qof siiyo wax yar waxay la ooydaa farxad. Waxay daryeeshaa qof walba; iyadu waxay ii daryeeshaa sidii ilmo oo kale. Maalmahaas wanaagsan, ma jiro qof iga farxad badan.
Laakiin mararka qaarkood waxay isu beddeshaa qof yaab leh. Maalmahaas waxay isku daydaa inay garaacdo aniga ama qof kasta oo u dhowaado. Waxayna ka guurtaa hal meel maalmahaas. Waxay joojisaa cunista. Waqtigaas hurdo la'aan baan ku jiraa, waan ooyaa markay dadku dhahaan ruux shar leh ayaa kula nool. Waxba ma xasuusan karto ka dib markay bogsato. Waxaan u aaday daaweynteeda meelo badan laakiin waxba iskama beddelin.
Waxay iga codsadeen inaan u diro magangalyo maskaxeed, laakiin taa ma samayn karo. Qof walba wuxuu iga codsaday inaan ka tago, laakiin ma awoodo. Waan jeclahay iyada oo aan loo eegin waxa aan la joogi doono ilaa dhammaadka. - Asmar Miah.
Unaxariiso qof kasta, hana ku nicin qofna waxa ALLAH ugu tala galay.
W.Q:Gmb Akash.
Tarjumaad: Abdirizak Hassan Tohob
Comments
Post a Comment