Weligey carruurteyda uma sheegin shaqadeyda
“Weligey carruurteyda uma sheegin shaqadeyda. Marnaba ma rabin in ay niyadjab dareemaan. Marka ay gabadheyda ugu yar i weydiiso waxa aan ka shaqeeyo, waxaan si niyadjab ah ugu sheegi jiray in aan ahay shaqaale ka shaqeeya farsamada gacanta. Marka ay shaqada ii soo dhammaato, waan qubeysan jiray ka hor inta aan guriga tagin, si aysan carruurteydu iiga fahmin waxa aan ka shaqeeyo.
Iskuul ayaan geeyay gabdhaheyga, si ay wax u bartaan, dadkana ay si sharaf leh u hortagaan. Mar rabin in sida ay dadku ii bahdilaan oo kale loo bahdilo, hoosna loo fiiriyo. Lacag kasta oo i soo gasho meel ayaan dhigayay, si aan ayaga wax ugu baro. Weligey shaati cusub ma iibsan, ayaga ayaan waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ku bartaan. Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed.
Gabadheyda iskuulkii ayay dhameysay, maalinta isdiiwaangelinta jaamacaddana hal maalin ayaa ka dhiman in ay xiranto, mana haayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Waan shaqeyn kari waayay maalintaas. Waxaan ag fadhiistay qashinka, illin ayaa iga da'aysa. Dhammaan shaqaalaha way i fiirinayaan, qof ila hadlana ma jirin. Waa guuldarreystay. Waan niyadjabay. Marka aan guriga ku laabtana wax fikir ah kama heysto sidii aan u wajihi lahaa markii ay gabadheyda i weydiiso lacagtii ay berri isku soo diiwaangelin laheed.
Saaxiibbadii aan isla shaqeynaynay ayaa ii yimid, waxayna igu dheheen: 'Annaga ayaa garabkaaga taagan ee ha murugoon.' Lacagtii ay maalintaas shaqeysteen ayay iskugu kay soo dardareen, waana ka diiday. Kaddib waxay igu dheheen: 'in aan maanta gaajoonno ayaan ka doorranay in ay gabadhaada jaamacadda iska diiwaangeliso.' Waan ka aqbalay, waana u mahadceliyay saaxiibbadey. Maalintaas ma marin musqushii aan ku qubeysan jiray marka aan shaqada ka baxaayo, waxaana guriga tagay aniga oo weli iga muuqato rafaadkii shaqada nadaafadda.
Dhawaan ayay gabadheyda ka qallinjebinaysaa jaamacadda. Saddexda gabdhood ee kale ayay waxbarashadooda dusha saaratay, aniga shaqadii aan ka shaqeyn jiray ayay iga fadhiisisay, qoyskana ayada ayuu ku tiirsanyahay.
Saaxiibbdii aan soo wada shaqeynay ayay gabadheyda ku tiri: 'Dhammaantiin ba waxaad maalin u gaajooteen si aan u noqdo waxa aan maanta ahay, abaal ayaana idiin kaga haayaa.' Hadda ma dareemo in aan ahay nin faqiir ah. Oo sidee ayaan saboolnimo u dareemaa aniga oo hesysta gabdhageygaan!?”
— Idiris.
W.Q: GMB Akash
Turjume: Tohob
Comments
Post a Comment