Wiligeey ma arag hooyadeey intaan wax gartay

 Wiligeey ma arag hooyadeey intaan wax gartay.



Aabaheey waxa uu ku dhintay qaraxii soobe .hada ma heeysto hooyo iyo aabe toona .Aabe ayaa noo shaqeeyn jiray,asina waa naga dhintay.


Aabaheey Waxa uu ahaa kaba tole fadhiista is gooska soobe. waxaa ila dhashay hal wiil oo iga weeyn.
Asaga ayaa noo shaqeeyn jiray ,markii aabe dhintay kadib.
"Walaalkeey waxa uu ahaa caseeye". Waxaan ku noolahay  kaam kubyaal garasbaaleey .

"Subixii marka uu soo baxaa waan isoo raaci jirnay" aniga waxa uu ibari jiray caseynimdda. walaalkeey waa ka tegay caseeynimadii,waxa uu noqday kirish booy. waxaan habiinkii usu imaan jirnay anagoo soo wada shaqeeynay.

Hada walaakeey waa xanuunsanyahay. waxa aay is dagaaleen darawalkii gaariga uu lashaqeeynaayay. waxuu ka tuuary gaariga ,waxaan soo gaartay jug(Dhaawac). Hada aniga bis ayaa shaqeeyo. wixii aan caseeynimdda ka helo ayaan wada cunaa aniga iyo walaakeey. Waxaan maalinkii soo helaa 40-55 shilin somali ah. waxaana ku debaraa nolosheeyna.

Waxaa sidaas igu yire :Axmed deey yare oo ah wiil caseeya ah. mar aan noloshiisa kala sheekeeysanaayay.


W.Q: Abdirizak Hassan Tohob.

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.