| MARABTAA SHAQO, GUUR IYO GURI.|

 | MARABTAA SHAQO, GUUR IYO GURI.|

     

Aqri aayadaan kuna duceeyso mar walba.  


Maadaama aan nahay dad muslimiin ah una baahan Allah mar walba, gaar ahaan dadkeeyna Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira muda dheer, waxaa lagama maarmaan ah in aan qur'aanka iyo qisooyinka wax ka barano si aan uga faa'iidno, Ugana baxno dhibka.


Mar walba oo aad saaxiib la tahay qur'aanka iyo sunada Nabiga, waxay kaa dhigayaan mid xasiloon, kuna guuleysta nolosha. Waxa ugu badan ee wax lagu qaato ama laga faa'iidaa waa qisooyinka nabiyada iyo saxaabadii. 


Waxaan rabaa maanta in aan si gaar ah usoo qaato qisooyinka Nabi muuse calayhi salaam; inkastoo ay aad u badanyihiin Qisooyinka Nabi muse  calayhi salaam, hadana qisada ku saabsan safarkii uu masar kaga baxay una socdaalay madiina ayaa qeeyb ka mid ah aad ii soo jiidatay.


 Qisadu waa dheertay laakiin waxa aan kasoo qaadanaa ayadaan, gabdhihii uu caawiyay iyo waxa  uu kala kulmay Nabigu calayhi salaam. ([رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ]). 


Nabi muuse calayhi salaam, oo safar ahaa ayaa la kulmay laba gabdhood oo wabiga qarkiisa jooga. Gabdhihii ayaa ku dhaheen Nabi muse calayhi salaam; Abaheeyn waa nin da' ah, anaga meeshaan kama dhaansano oo biya kama helno ilaa marka ay dadku kala tagaan maahane. 


Nabi Muuse – Calayhi Salaam, markii ay sidaa dheheen waxa uu arigii u waraabiyey labadii gabdhood, waxa uu fadhiistay geed hoos leh oo ka mid ah geedaha ugu dhawaa, isaga oo la sheekeysanaya Eebbe weeyne wuxuu yiri .

  [فَسَقَى لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّى إِلَى الظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ]). 


Nabi muse calayhi salaam waxa uu ku duceeystay aayadaan qeeybteeda dambe waxa uuna ku cel celiyay

([رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ]). 


Aayadaan oo micnaheedu tahay "Ilaaheeyoow Kheeyrkaada Faqiir baan ka ahay".


Isla markiiba ducadiisa waa loo aqbalay oo jawaab deg deg ah rabi ugu deeqay wuxuuna helay wax badan uuna fileeyn. 


Nabi muse CS isagoo geedkii fadhiya waxaa u timid mid ka mid ah gabdhihii iyada oo u  socota si asluubaysan, waxayna u sheegtay in aabbaheed uu jeclaan lahaa inuu la kulmo si uu ugu mahadnaqo, ugana abaalmariyo waraabinta ariga, wuxuuna Eebbe kor ahaaye yiri:

((فَجَاءَتْهُ إِحْدَاهُمَا تَمْشِي

عَلَى اسْتِحْيَاءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِي يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لنا)) . 


Gabdhihii ayaa abahood ku dheheheen aabe ninkaan shaqa sii qofka ugu qawisan oo amaana ah ayaa ugu fiican qof shaqa la siyee.

Markuu u yimid oo uga sheekeeyay qisadiisa ayaa lagu  yiri

Nabi Muuse calayhi salaam : Ha cabsan, waxaad ka fakatay qoomkii daalimiinta ahaa .


(فَلَمَّا جَاءَهُ وَقَصَّ عَلَيْهِ الْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ نَجَوْتَ مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ).

Dabadeedna Nabi muuse calayhi salaam; waxaa la siiyay gabar ka mid ah  gabdhihii, sidoo kale shaqo iyo guri ayaa la siiyay. Nabi Muuse calayhi salaam  markii uu imaanayay waxba ma heeysay.


Mar walba caawi dadka dan yarta ah, kuna duceeyso ayadaan.


W/Q Tohob

Comments

Popular posts from this blog

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.