Posts

| MARABTAA SHAQO, GUUR IYO GURI.|

 | MARABTAA SHAQO, GUUR IYO GURI.|       Aqri aayadaan kuna duceeyso mar walba.   Maadaama aan nahay dad muslimiin ah una baahan Allah mar walba, gaar ahaan dadkeeyna Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira muda dheer, waxaa lagama maarmaan ah in aan qur'aanka iyo qisooyinka wax ka barano si aan uga faa'iidno, Ugana baxno dhibka. Mar walba oo aad saaxiib la tahay qur'aanka iyo sunada Nabiga, waxay kaa dhigayaan mid xasiloon, kuna guuleysta nolosha. Waxa ugu badan ee wax lagu qaato ama laga faa'iidaa waa qisooyinka nabiyada iyo saxaabadii.  Waxaan rabaa maanta in aan si gaar ah usoo qaato qisooyinka Nabi muuse calayhi salaam; inkastoo ay aad u badanyihiin Qisooyinka Nabi muse  calayhi salaam, hadana qisada ku saabsan safarkii uu masar kaga baxay una socdaalay madiina ayaa qeeyb ka mid ah aad ii soo jiidatay.  Qisadu waa dheertay laakiin waxa aan kasoo qaadanaa ayadaan, gabdhihii uu caawiyay iyo waxa  uu kala kulmay Nabigu calayhi salaam. ([رَب...

Waxa uu kaalinta 1aad ka galay dhamaan ardadii wax la baraneeysay labadii maater ee uu qaatay.

Image
 Waa aqoon yahan dhalinyara ah aan is muujin, ku kalsoon naftiisa, kuna waxbartaya wadanka gudihiisa,  si dhab ahna ugu faaideeystay technology.  Waa cilmi baare waqtiga ugu badan ku bixiyay wax barasho iyo cilmi baaris. Sidoo kale waa hal abuure hir geliyay ganacsiyo badan oo dalka gudihisa ah.  Qofka aan ka hadlaa waa Mr Abdirizak  Nor Mohamed, waa shaqasi ku hubeeysan aqoon  diini iyo maadi ah, waana shaqsi ku sifoobay akhlaaq, aqoon, ixtiraam, af gaabi, aragti wanaag.  Waa aqoo yahan ku taqasusay cilmiga xisaabaadka, maaliyada iyo maamulka mashaariicdd a.  Waa bare muda 10 sana ka badan waxa ka dhigaayay jaamacada ugu waaweeyn dalka gaar ahaa jaamacddaha SIMAD iyo Jamhuriya, sidoo kale  waxa uu la shaqeeyay hey,ado caalami ah iyo kuwa local ah sida hey,adda Direct Aid Society. Sidoo kale 10 kaas sano waxa uu ahaa lataliya dhanka hal abuuruka, ganacsiyada soo koraayo iyo  ku waaweeynba.  Waax uu heeystaa la master oo ka kala diya...

Duruufaha ayuu uga faa iideeystay

 Waxa uu haaya xil doowladeed. Ma shaqa tago oo maalinkii dhan waa jiifaaa. Waagu waxa  uu ubaryaa galabkii. Maqribkii ayuu  suud xirtaa. waxa uu aadaa hoteeeladda waaweeyn ee magaladda. Wax qorsha  siyaasadeeda malahan. Laakiinsa waxaa u balansan  habeen kasta gabar. Gabdh-dhaasi waxa aay ka dooneeysaa shaqo ama arin kale oo xal uga baahan, aayna u aragto in uu wax kaqaban karo.  Gabadh-dhaas ayuuna u sheegaa in uu wax kasta la qaban doono. Asiga qorshaha uguma jirto in uu baahideeda wax ka qabto, taas bedelkeeda  wax uu ka faa-iideeystaa baahideeda. Waxa uu u sheegaa in uu wax kasta la qaban doono, laakiinse wax walba aay ka horeeyso  in  is fahmaan hadeey rabto in waxaas loo qabto.  Si aay u hesho waxa aay dooneeyso waxa aay isku furataa mustaq balkeeda . Waxa aay kasoo tagtaa ayadoon heeyn wixii aay dooneeysay. Kasa darane aaneyn aheeyn  sidii aay ugu tagtay.  Kadibna taleeefanka ayuu ku dhegeeystay. Maadaama danihii uu ka ...

Sheekadii boqorka

  waxaa jiray nin boqor ah oo xukumi jiray meel buuraley ah. Boqorku wuxuu ahaa nin maamul gurracan oo dadkiisa dhibi jiray, mana jeclayn in runta la sheego. Qofkii maamulkiisa wax ka sheega wuxuu mudan jiray xabsi ama dil. Sidaa darteed, dadku way ka baqi jireen in ay runta u sheegaan boqorka. Maalintii dambe ayaa nin u baxay magaalada duleedkeeda si uu u soo kormeero beer weyn oo uu halkaas ku lahaa. Wakhtigu wuxuu ahaa xilli gu’ ah oo barwaaqo ah. Ninkii siduu u soo socday ayuu soo dhexgalay keyn jiq ah, oo shimbiro kaliya ka dhex heesayaan. Markii uu xoogaa dhex socday keynta ayaa wax la hadleen. Inta uu yaabay ayuu eegay hareerihiisa, waxna ma uusan arag. Haddana mar kale ayaa lala hadlay sidii oo kale ayuu hareerihiisa eegay. Markii uu dhawr tallaabo qaaday ayuu arkay madax go’an oo keynta dhexyaalla oo la hadlaya. Ninkii baa carar maagay, balse  madixii ayaa la hadlay, kuna  yiri: “Ninyahaw i maqal. boqorka magaaalada xukuma runta ma jecla, qofkii runta sheegana wu...

Horta dadka kala baro

  Nin iyo gabar uu dhalay  ayaa hada ka hor lacag la'aan qabatay. waxa aay ka fekireen sideey lacag ku heli Lahaayeen. Waxa aay isla garteen si fudud oo lacag lagu heli karo.  Maalinkii ugu horeeysay ayeeyna dameer soo wateen. Waxaayna afka kasoo geliyeen lacag; oo aay mara kulasoo xireen. Wax aay dadkii u sheegeen in dameerkaani uusan dameeradda lamid aheeyn oo markii uu ciyaba lacag aay kasoo dadaneeyso. Waxaana isku qabsaday dameerkii dadkii oo midba lacag ayuu gaaray, waxaana laga iibiyay ninkii ugu lacagta badnaa.  Ninkii iibsaday dameerka ayaa geeystay gurigiisa dameerkii balse waxa uu kawaayay lacagtii uu ka filaayay in uu afka dameerka kaheli doono mar kasto oo uu ciyaa. Waxa uuna ogaaday in lacagu aheeyd xooga afka lagasoo geliay(Fadlan lacag ku shubo). Subixii danbe ayuu soo aaday ninkii dameerka shaly kasoo geday. Waxa uu imaaday gurigii ninka dacwad uu uqabay.  waxaa guriga joogay gabdhii uu dhalay ninku, waxa uu  weeydiiyay halka uu jiro ninkii...

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.

Image
Waxaan ku noolaay  baadiyah gobalka galgaduud . Waxaan subax kasta soo aadaa dugsiga qr'aan kariinka. Waa maalin aad u kulul, jiilaal aad udara ayaa jiray. Waxaa deeganka aan ku nooleeyn ka jiray abaar aad udarn, oo saameeysay xoolaha iyo dadkaba. Maalin maalmaha ka midda; Waxa dugsiga qu'aanka nuugu  imaaday dhoor oday oo aan garaneeynay. Wax aay nagu salaameen dugsiga, weeyna nasii dhaafeen. Waxa aay u socdee sida aan gadaan ka ogaan doono qabuuro aan sidaas noogasii fogeey. Qabuuraha waxaa ku duuganaa duqoowdii laga yiqiin degaanka. Waxa aay udireen qabuurihii  mid kamidda odayaashii. Wax uu tegay qabrigii wax uuna carab ku shuftay mid kamidda meeydadki qubuuraha ku duugnaa. Waxa uu u sheegay in wax loo soo bixin doono haduu roob imaado maanta. Wax uu odagaas sameey naayay waxaa looga yaqiin shardi, wax aayna aheeyd caada dhaqameed markaas meesha laga yaqiin. Xiliga uu qabriga tegaayay waxa aay ku beegneed 2:00. Xiligaa cirkau waa cadaa mana laheeyn xitaa hal xeeyry...

Aqoonsigii Somaliland waa ka halkaa yaalla!”.

Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd. Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd. Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda lagu nasto. Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaaray oo meel isaga ku filan bannaystay ayuu is dhigay . Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku arkayay. Waa nin haybad u dhashay se waqtigu hayo. Balwad baa ka tan badisay oo waan og ahay. Bahal ka khamriga la yidhaahdo ayaa la tegey.  waa Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda iyo tuug xadhkagoys ah.  Ha iska silicsanaadee waa nin han u dhashay wax uu na isku dayaa in uu xarragoodo oo madaxa kor u qaado. Imika waxa uu ku nool yahay qol yar oo ii dhow halkaas oo dhowaan isaga oo xabsi ka soo baxay maamulka daryeelka bulshadu dejiyay. Labadayadu waxa aannu isbarannay maalin uu waddada xaafadda igaga hor yimid isaga oo quraarad gacanta ku sita ina weydiiyay in aan ahay xabashi. ”Maya ...