Posts

Showing posts from September, 2021

Duruufaha ayuu uga faa iideeystay

 Waxa uu haaya xil doowladeed. Ma shaqa tago oo maalinkii dhan waa jiifaaa. Waagu waxa  uu ubaryaa galabkii. Maqribkii ayuu  suud xirtaa. waxa uu aadaa hoteeeladda waaweeyn ee magaladda. Wax qorsha  siyaasadeeda malahan. Laakiinsa waxaa u balansan  habeen kasta gabar. Gabdh-dhaasi waxa aay ka dooneeysaa shaqo ama arin kale oo xal uga baahan, aayna u aragto in uu wax kaqaban karo.  Gabadh-dhaas ayuuna u sheegaa in uu wax kasta la qaban doono. Asiga qorshaha uguma jirto in uu baahideeda wax ka qabto, taas bedelkeeda  wax uu ka faa-iideeystaa baahideeda. Waxa uu u sheegaa in uu wax kasta la qaban doono, laakiinse wax walba aay ka horeeyso  in  is fahmaan hadeey rabto in waxaas loo qabto.  Si aay u hesho waxa aay dooneeyso waxa aay isku furataa mustaq balkeeda . Waxa aay kasoo tagtaa ayadoon heeyn wixii aay dooneeysay. Kasa darane aaneyn aheeyn  sidii aay ugu tagtay.  Kadibna taleeefanka ayuu ku dhegeeystay. Maadaama danihii uu ka ...

Sheekadii boqorka

  waxaa jiray nin boqor ah oo xukumi jiray meel buuraley ah. Boqorku wuxuu ahaa nin maamul gurracan oo dadkiisa dhibi jiray, mana jeclayn in runta la sheego. Qofkii maamulkiisa wax ka sheega wuxuu mudan jiray xabsi ama dil. Sidaa darteed, dadku way ka baqi jireen in ay runta u sheegaan boqorka. Maalintii dambe ayaa nin u baxay magaalada duleedkeeda si uu u soo kormeero beer weyn oo uu halkaas ku lahaa. Wakhtigu wuxuu ahaa xilli gu’ ah oo barwaaqo ah. Ninkii siduu u soo socday ayuu soo dhexgalay keyn jiq ah, oo shimbiro kaliya ka dhex heesayaan. Markii uu xoogaa dhex socday keynta ayaa wax la hadleen. Inta uu yaabay ayuu eegay hareerihiisa, waxna ma uusan arag. Haddana mar kale ayaa lala hadlay sidii oo kale ayuu hareerihiisa eegay. Markii uu dhawr tallaabo qaaday ayuu arkay madax go’an oo keynta dhexyaalla oo la hadlaya. Ninkii baa carar maagay, balse  madixii ayaa la hadlay, kuna  yiri: “Ninyahaw i maqal. boqorka magaaalada xukuma runta ma jecla, qofkii runta sheegana wu...

Horta dadka kala baro

  Nin iyo gabar uu dhalay  ayaa hada ka hor lacag la'aan qabatay. waxa aay ka fekireen sideey lacag ku heli Lahaayeen. Waxa aay isla garteen si fudud oo lacag lagu heli karo.  Maalinkii ugu horeeysay ayeeyna dameer soo wateen. Waxaayna afka kasoo geliyeen lacag; oo aay mara kulasoo xireen. Wax aay dadkii u sheegeen in dameerkaani uusan dameeradda lamid aheeyn oo markii uu ciyaba lacag aay kasoo dadaneeyso. Waxaana isku qabsaday dameerkii dadkii oo midba lacag ayuu gaaray, waxaana laga iibiyay ninkii ugu lacagta badnaa.  Ninkii iibsaday dameerka ayaa geeystay gurigiisa dameerkii balse waxa uu kawaayay lacagtii uu ka filaayay in uu afka dameerka kaheli doono mar kasto oo uu ciyaa. Waxa uuna ogaaday in lacagu aheeyd xooga afka lagasoo geliay(Fadlan lacag ku shubo). Subixii danbe ayuu soo aaday ninkii dameerka shaly kasoo geday. Waxa uu imaaday gurigii ninka dacwad uu uqabay.  waxaa guriga joogay gabdhii uu dhalay ninku, waxa uu  weeydiiyay halka uu jiro ninkii...

Qabrigii iyo qoladii u qeela dhaan doonatay.

Image
Waxaan ku noolaay  baadiyah gobalka galgaduud . Waxaan subax kasta soo aadaa dugsiga qr'aan kariinka. Waa maalin aad u kulul, jiilaal aad udara ayaa jiray. Waxaa deeganka aan ku nooleeyn ka jiray abaar aad udarn, oo saameeysay xoolaha iyo dadkaba. Maalin maalmaha ka midda; Waxa dugsiga qu'aanka nuugu  imaaday dhoor oday oo aan garaneeynay. Wax aay nagu salaameen dugsiga, weeyna nasii dhaafeen. Waxa aay u socdee sida aan gadaan ka ogaan doono qabuuro aan sidaas noogasii fogeey. Qabuuraha waxaa ku duuganaa duqoowdii laga yiqiin degaanka. Waxa aay udireen qabuurihii  mid kamidda odayaashii. Wax uu tegay qabrigii wax uuna carab ku shuftay mid kamidda meeydadki qubuuraha ku duugnaa. Waxa uu u sheegay in wax loo soo bixin doono haduu roob imaado maanta. Wax uu odagaas sameey naayay waxaa looga yaqiin shardi, wax aayna aheeyd caada dhaqameed markaas meesha laga yaqiin. Xiliga uu qabriga tegaayay waxa aay ku beegneed 2:00. Xiligaa cirkau waa cadaa mana laheeyn xitaa hal xeeyry...

Aqoonsigii Somaliland waa ka halkaa yaalla!”.

Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd. Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd. Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda lagu nasto. Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaaray oo meel isaga ku filan bannaystay ayuu is dhigay . Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku arkayay. Waa nin haybad u dhashay se waqtigu hayo. Balwad baa ka tan badisay oo waan og ahay. Bahal ka khamriga la yidhaahdo ayaa la tegey.  waa Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda iyo tuug xadhkagoys ah.  Ha iska silicsanaadee waa nin han u dhashay wax uu na isku dayaa in uu xarragoodo oo madaxa kor u qaado. Imika waxa uu ku nool yahay qol yar oo ii dhow halkaas oo dhowaan isaga oo xabsi ka soo baxay maamulka daryeelka bulshadu dejiyay. Labadayadu waxa aannu isbarannay maalin uu waddada xaafadda igaga hor yimid isaga oo quraarad gacanta ku sita ina weydiiyay in aan ahay xabashi. ”Maya ...

Uma sharixi karo qofna waxa aan dhab ahaantii marayay labaatankii sano ee la soo dhaafay

  Uma sharixi karo qofna waxa aan dhab ahaantii marayay labaatankii sano ee la soo dhaafay. Waalidiinteyda, walaalahay, deriska, qof walba mar walba wuxuu igu yiri ka tag xaaskayga. Ma jiro qof isku dayay inuu fahmo waxa qalbigaygu doonayo. Markii hooyaday aay diyaarisay guurkeena ma aysan ogeyn  in aay xaaskeeygu qabto dhibaatooyin xagga maskaxda ah. Xaaskayga magaceedu waa Xaashi. Ma joojin karto qosolka, waa sababta magacani ugu habboon yahay. Waan ogaa inay tahay wax la yaab leh waana aqbalay tan iyo guurkeena. Waligeen ilmo ma dhalin, taasina xitaa ima siin dareen qotodheer(in aan katago). Inta badan, Xaashi(Xaaskeeygu) weey fiicantahay, maalmaheeda wanaagsan, waxay ka mid tahay dadka qalbiga jilicsan ee dunidan. Xitaa haddii qof siiyo wax yar waxay la ooydaa farxad. Waxay daryeeshaa qof walba; iyadu waxay ii daryeeshaa sidii ilmo oo kale. Maalmahaas wanaagsan, ma jiro qof iga farxad badan. Laakiin mararka qaarkood waxay isu beddeshaa qof yaab leh. Maalmahaas waxay isku ...

Xaliimo Waaa 7 jir raja ah

  Xaliimo Waaa 7 jir  raja ah. waxa aay ku dhalaty degmadda afgooye. hooyadeed waxa aay ku umul raacatay da'dii ugu danbeeysay ee ilmaha la dhashay. Waxa aay ahaayeen  5 caruur ah oo ayadu u weeyntahay. Ma jirin qof kale oo aabaheed  ka caawin karay  heeynta ilmaha ka yar yar  ee la dhashay Muda kadib dhimashdii hooyadeed . Waxa uu guursaday aabaheey xaas kale. "Aabaheey  waxaa soo food saaray culeys dhanka qooyska ah" Eedadii uu guursady ayaa kula talisay in xaliimo loo geeyo cid aay u shaqeeyso , Si nolosha aay uga caawiso . "Waa uu yeelay aabaheey soo jeedintii eedaddeey". Waxa aay ii Geeysay eeedo cid, si aan u  shaqeyo .  Qooyska la ii geeyay wax aay ka koob naayeen 13 qofaad. Waxa aay deganaayeen degmadda hodan. Waxa aan soo kici jiray subii xili hore  si aan u diyaariyo quraacda qooyska. Markaan dhameeyo waxaan sigaar ah ugu diyaarin jiray cuntada maamadda guriga oo gaar ah, madaama ay sonkor qabtay oo aaysan cidda kale ku c...

Agnabiga kiisa liita ayeey qiimeeyaa, kooda wax gallaka ahna waa yasaan.

Image
 Sawirkaan idiin muuqdo  waxaa ku jiro Shaqsi caan ka ah baraha bulshada. Waxa uu u dhashay wadanka Tanzaaniyah. Waa jilaa iyo ka qosliye. Waxa uu maanta yimaaday magaaladda Mogadishu.  Waxaa la yaab leh! In soo dhaweeyntiisu aay qeeyb ka ahaayeen madax iyo saraakiil ayadoo lagusoo qaaday gawaaridda aan xabaddu karin  "Bulat bruuf".  Marka aad u fiirsatid hab dhaqanka Somalidda, waad layaabeeysaa. Waxa aay aad sara ugu qaadaan dadyoowga agnabiga ah.  waxa aay yasaan oo aay hoos u dhigaan dadkooda wax gallka  ah. Halka maanta basadiir saf loogu jiray hadaad tiraahdo maanta waxaa lasoo dhaweeynaa Abwaan Maka xaaji Banadir,  ama abwaanada lamidka ah , waxaa laga yaabaa in aay su'aal iska weeydiiyaan oo aaysan u ogoleeyn in gaari xabadu aaysan karin lagu soo qaado Abwaankaas,Base aay ajnabiga u ogolyihiin.  Waxaa maqleeysaa sanad kaata in abwanadii iyo suugaan yahanadii aay silic u dhimanayaan  ayagool aan wax wara laga heeyn, waxna aan laga...

Dadnta iyo duruufta ayaa ka reebtay waxbarashada oo uu jeclaaa.

Maxamad waxa aan soo wada qaadanay nolo xasuus iyo dib umilicsicsi leh. Waxaana ku xasuustaa sheekooyin cajiib ah, oo aan yaraanteeynii soo wad marnay. Waxaan soo wada dhiganay dugsiga qur,'aanka. waxaan is naqaanaa muda ka badan 25 sano. Waxa uu ahaa nin dhalinyara ah oo maskax furan. Wax uu lahaa han sare. wax uu ka sheekeeyn jiray yaraantiisii sida uu mustaq balka doonaayo. xiligaas qofna kama fikireey wax uu ka fikiraayay. Aabihii wax uu geeriyooday asiga oo aad u yar. Wax uu isaga haray iskuulka markii uu waayay qof waxbarashadiisa kafaalad qaada. Nasiib uma yeelan in uu helo aabe subixii hortiis kaco oo ka fikiro wax barashadiisa si uusan faciis uga harin. Hooyadiis oo  uu la noolaa waxa aay ka roonaa weeyday korintiisa, kumana darsan karin wax barashadiisa. Sidaas darteed maxamad Fursad uma helin in uu waxbarashadiisa sii wato. Waxa uu jiclaa in uu galo iskuul, ilaa jaamacad oo aay saaxiibadiis fursad u heleen Muda kadib waxa uu bilaabay in uu xoogsado asigoo aad ud...

Wiligeey ma arag hooyadeey intaan wax gartay

Image
  Wiligeey ma arag hooyadeey intaan wax gartay. Aabaheey waxa uu ku dhintay qaraxii soobe .hada ma heeysto hooyo iyo aabe toona .Aabe ayaa noo shaqeeyn jiray,asina waa naga dhintay. Aabaheey Waxa uu ahaa kaba tole fadhiista is gooska soobe. waxaa ila dhashay hal wiil oo iga weeyn. Asaga ayaa noo shaqeeyn jiray ,markii aabe dhintay kadib. "Walaalkeey waxa uu ahaa caseeye". Waxaan ku noolahay  kaam kubyaal garasbaaleey . "Subixii marka uu soo baxaa waan isoo raaci jirnay" aniga waxa uu ibari jiray caseynimdda. walaalkeey waa ka tegay caseeynimadii,waxa uu noqday kirish booy. waxaan habiinkii usu imaan jirnay anagoo soo wada shaqeeynay. Hada walaakeey waa xanuunsanyahay. waxa aay is dagaaleen darawalkii gaariga uu lashaqeeynaayay. waxuu ka tuuary gaariga ,waxaan soo gaartay jug(Dhaawac). Hada aniga bis ayaa shaqeeyo. wixii aan caseeynimdda ka helo ayaan wada cunaa aniga iyo walaakeey. Waxaan maalinkii soo helaa 40-55 shilin somali ah. waxaana ku debaraa nolosheeyna...

11-kii Spetember 2001-dii oo ay ku beegneyd maalin talaada ah kooxo ismiidaamiyey oo afduubtay diyaarado ragkaab oo Mareykanka laga lahaa ayaa ku dhuftay dhismayaal dhadheer oo dalkaasi ku yaallay waxayna ku dileen kumannan qof.

Image
  11-kii Spetember 2001-dii oo ay ku beegneyd maalin talaada ah kooxo ismiidaamiyey oo afduubtay diyaarado ragkaab oo Mareykanka laga lahaa ayaa ku dhuftay dhismayaal dhadheer oo dalkaasi ku yaallay waxayna ku dileen kumannan qof. Weerarkaasi ayaa noqday kii ugu xumaa ee dhacay qarnigan, argagaxna ku abuuray shacabka Mareykanka iyo shucuubta caalamka intaba. Bartilmaameedyadu maxay ahaayeen? Afar diyaaradood oo bariga dalka Mareykankaku duulayey ayey hal mar wada afduubteen koox afduubtayaal ah. Kaddibna diyaardihi waxay u adeegsadeen sidi gantaalki iyaga oo ku weeraray dhismayal bartilmaameed u ahaa oo ku yaallay magaaloyinka New York iyo Washington. Laba diyaaradood waxaa lagu beegsaday dhismayaasha mataanaha ee New York oo xaruun u ahaa Hay'adda Ganacsiga Adduunka ee loo soo gaabiyo WTO. Diyaaraddi koobaad waxay dhismahi ugu horreeyey ku dhacday saacadda maxalliga ee Mareykanka marki ay ahayd 08:46, halka diyaaradda labaadna dhismaha labaad lagu dhuftay saacadda markay ah...

Weligey carruurteyda uma sheegin shaqadeyda

 “Weligey carruurteyda uma sheegin shaqadeyda. Marnaba ma rabin in ay niyadjab dareemaan. Marka ay gabadheyda ugu yar i weydiiso waxa aan ka shaqeeyo, waxaan si niyadjab ah ugu sheegi jiray in aan ahay shaqaale ka shaqeeya farsamada gacanta. Marka ay shaqada ii soo dhammaato, waan qubeysan jiray ka hor inta aan guriga tagin, si aysan carruurteydu iiga fahmin waxa aan ka shaqeeyo.  Iskuul ayaan geeyay gabdhaheyga, si ay wax u bartaan, dadkana ay si sharaf leh u hortagaan. Mar rabin in sida ay dadku ii bahdilaan oo kale loo bahdilo, hoosna loo fiiriyo. Lacag kasta oo i soo gasho meel ayaan dhigayay, si aan ayaga wax ugu baro. Weligey shaati cusub ma iibsan, ayaga ayaan waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ku bartaan. Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed.  Gabadheyda iskuulkii ayay dhameysay, maalinta isdiiwaangelinta jaamacaddana hal maalin ayaa ka dhiman in ay xiranto, mana haayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Waan shaqeyn kari waayay maalintaas. Waxaan ag fadhiistay qashinka, il...

Shaleemooyinkii shalay iyo kuwa Maanta

  Dadka soomalida marka aay la kulamaan arin kaduwan waxa aay arki jireen  waxa aay dhihi jireen  “Waa aakhiru zamaan ama aduunyo gadoon”. Hada  shaneemooyinkii shalay waalidiintu caruurtooda u diidi jireen, loona arki jiray meel qurun iyo fasahaad lagu daawado, dadka ka shaqeystana xoolohooda xaaraan loo arki jiray, manta waxay noqodeen ganacsi caadi ah qof ka shakinaaye  malahan. guri walbana weey ka shidantahay shaneemadaasi. Waxaa is weeydiin mudan:  shaneemooyinkii shalay iyo kuwa magaca "cable" wata ee xafad walba taala, mu salsaladdana soo daayo ,maxay ku kala duwanyihiin? Hadii shalay maalka shaneemadda laga helo xaaraan loo arkaayay kuwa manta waa sidee? Hadiisa shalay Shaleemo il muhu aadaan loo diidi jiray waa sidee kuwa guri kasta ka dhex furan?? Waxaad arkeeysaa caruur 2,3 jir ah oo hadan xifdisan wax walba oo xumaan ah oo uu dhaladaas kasoo guuriyay. Ubadka soo koraa Allah unaxariito.

Guur danbe in aan galo, garoobnimaa  ii dhaanto, kii horaan ku gacan galaye.!

  Waxaan ahaa gabar da'yar oo dhigato iskuulka, kuna Jirta sanadkeedii ugu danbeeyay  ee fasalka  3aad. Waxaan jimcaha iyo khamiista macalin ka ahaa iskuulka aan subixii dhigto. Waxaan shaqa iyo cashir wadaag aheeyn wiil aan wada sheekeeysan jirnay.Waxuu ii muujin jiray dareen, anina waan la kaftami jiray, waana uqosli jiray si walaaltinimo leh. Waxa uu maalin ii sheegay in uu i jecelyahay, laakiin  anigu waxaan usheegay In aaysan suurtagal aheeyn aana wax barto, haddana aanan jaceeyl usoo jeedin. Waxuu ii sheegay in hadii aan diido uu sun cabi doono.!!Laakiin ani ciyaar iyo kaftan ayaan uqaatay . Waxaan maqlay subixii danbe  in uu sun darteey ucabay, isbitaalna loo qaaday. Habiin iyo maalin kadib markii uu soo roonaaday, waxa uu sheegay in uusan sii noolaan doonin hadii uusan aniga ihelin.! Waxaan dareemay culeeys, waxaana la iisheegay in aay waajib tahay in aan guurkiisa aqbalo oo naftisa aan badbaadiyo labad qooysna aay xal u arkeen. Waxaan galay guur...

Kala Geeyaha Dadka

 Xiriirkii dadka ayuu kala dhantaalay oo dad wada fadhiya ayuu kala fogeeyay. Guryo badan ayuuna dumiyay oo in ay qoysas kala tegaan ayuu sabab u noqday. Wuxuu dad badan u noqday balwad ay qabatimeen oo ku sababtay dhafar ay xanuunno jireed iyo mid nafsi ah ka qaadeen. Waqtigi uu qofku wax kale ku qabsan lahaa ayuu isaga geliyay.  Carruurta iyo Dhalinyarada ayuu waxbarashada ka mashquuliyay, waxa uuna ku reebay saameyn aan la mahdin. Maskaxdii dadka uu cuuryaamiyay oo isaga ayaa loo ictimaadaa shaqo badan oo ay aheyd in maskaxda looga shaqeysiiyo. Korriinshiyihii carruurta ayuu caqabad ku noqday oo waqtigii dahabiga ahaa ee carruurnimo ayuu dhaafiyay. Dhaqanxumo ay beenta iyo ballanxumadu ugu horreeyaan ayuuna fududeeyay.

Hal Abuurihii Shaqa La,aanta Ahaa

 Shaqo nadaafad ah ayuu Microsoft ka codsaday, wuuna helay. Waxaa la waydiiyay Email-kiisa si loogu diro heshiiska shaqaalennimo. Wuxuuse sheegay in uusan laheyn Email, uusanna aqoonnin sida Kumbiyuutar loo adeegsado. Sidaas ayuuna shaqadii ku waayay. Markii uu ka soo baxay iridka Microsoft ayuu arkay dukaan Strawbery-ga lagu iibiyo. $10 oo uu hanti ka haystay ayuu kartoon Strawberry ah ku iibsaday, wuxuuna ku wareejiyay xaafadaha si looga iibsado. Wuxuuna habeenkii hoyaaday isaga oo haysta $60. Taas oo ku sii dhiirrigelisay in uu shaqadaan joogteeyo. Markii ay shaqadu u kobacday ayuu soo amaahday gaarigacan uu khudaarta ku wareejiyo. Muddo kaddibna gaari ayuu soo iibsaday.  5 sano kaddib shirkaddiisu waxay ka mid noqotay shirkadaha ugu waaweyn ee cunnooyinka ku iibiya Mareykanka. Wuxuu u baahday in uu ganacsigiisa ceymis geliyo si ay ugu sahlanaato in uu soo kabto haddii uu khasaaro. Wuxuu u tegay shirkad ceymis. Wakiilkii shirkadda ayaa waydiiyay Email-kiisa si uu heshiiska ...

Maqaalka Hooyadda.

 Sagaal bilood ayay caloosha nagu sidday. Waxay nala soo martay xanuun foosha ee geerida lala masliyay. Waa macallinkeennii koobaad ee na bartay sida loo hadlo.  Iyada ayaana samaha iyo xumaanta na kala bartay. Habeenno badan ayay u dhafartay si aan annagu u hurudno.  Maalmo badanna waxay u gaajootay si aan u dheregno. Waxay noo haysaa naxariis iyo jaceyl aan xad iyo shuruud laheyn.  Marka ay inta kale na niyadjebiyaan, iyada ayaan ka helnaa dhiirrigelin noo noqoto shidaal aan ku sii xawaareyno.  Kama daasho in ay noo duceyso oo ay mar kasta Alle noo waydiiso in aan ku guuleysanno nolosha adduun iyo aakhiro.  Allow ugu naxariiso sidii ay noogu naxariisatay markii aan yareyn. Allow way na jaceshahay ee jecloow, waana noo naxariis badan tahay ee u naxariis badnoow.